Denver Preschool Program waxa ku wayn sirta dadka soo booqanaya websaytkooda. Waxa aanu samaynay Siyaasaddan Sirta si aanu u sheegno macluumaadka aanu uruurinayno iyo waxa macluumaadkaas loo isticmaalayo iyo ilaalinteeda.
Marka aad soo gasho websaytkan, waxa aad ogolaatay xeerka iyo shuruudaha halkan lagu sheegey. Waxa aanu xaq u leenahay in aanu badalno siyaasaddan oo anaka ayaa ikhtiyaar u leh anaka oo aan wargelin bixinin.
Macluumaad noocee ah ayaa la uruurinayaa, waana maxay sababtu?
Marka uu qof soo booqdo websaytkeena, waxa aanu uruurinaynaa macluumaadka ku saabsan booqashadaas oo aanu ku jirin macluumaadka sheegaya qofka haybtiisa. Waxa aanu la soconaynaa macluumaadka sida websaytka uu qofku ka yimid iyo nooca daaqada qofku ku isticmaalayo. Waxa aanu sidoo kale uruurinaynaa macluumaad gaar ah oo ku saabsan madasha isticmaalaha ee websaytkeena. Waxaa taas kamid ah shayada sida taariikhda iyo saacada booqashada iyo bogaga uu qofku booqday.
Mararka qaar waxa aanu qofka isticmaalaya ka dalbanaa inuu ikhtiyaarkii uu noogu sheego macluumaadka sheegaya haybtiisa (personally identifiable information, PII). Macluumaadka guud ahaan waxaa kamid ah, laakiin kuma xadidna, magaca, iimeelka, cinwaanka boosta, iyo lambarka taleefanka. Waxa aanu ugu baahanahay macluumaadkan marka isticmaaluhu dalbado mid kamid ah kuwa soo socda:
- Si uu qofku isku duwaan geliyo si uu u dhigto siminaar onlayn ah ama duruus muuq
- Si aad nooga hesho macluumaad gaar ah sida waraaqo cadcad ama koodhka muunada
- Si aad iskugu duwaan geliso liiska dadka waraaqaha loo dirayo
- Si aanu macluumaad isku waydaarsano
- Ama wixii kale ee hawlo ah ee loo arko inay daruuri yihiin
Denver Preschool Programma uruuriyo wax macluumaadka shakhsi ahaaneed ee maaliyadeed sheegaya ama macluumaadka la xidhiidha caafimaadka. Si ku talogal ah uma uruurino macluumaadka caruurta ka yar 13 jirka.
Sidee macluumaadkan loo isticmaalayaa?
Macluumaadka aan sheegeynin haybta qofka (non-personally identifiable information, non-PII) ayaa la uruurinayaa si aanu u qiimayno sida websaytkeena loo isticmaalo iyo sida aanu u samayn karno hormar macluumaadka aanu kusoo qorayno iyo adeega websaytku bixiyo.
Macluumaadka sheegaya haybta waxaa loo uruurinayaa si loo qiimeeyo hormarinta macluumaadka lagu qorayo websaytka iyo adeegyada aanu siinayno isticmaalaha.
Denver Preschool Program ayaa iska leh macluumaadka la uruuriyay oo ma iibinayaan, ka ganacsanayaan, ama kama kiraynayaan macluumaadka cid kale. Waxa aanu u adeegsan karnaa macluumaadka si aanu ula xidhiidhno qofka isticmaaha ah. Waxa taas kamid noqon kara xidhiidhka sida in taleefanka lagu celiyo, iimeelada la iswaydaarsanayo, ama boosta lagu xidhiidhayo si loo xoojiyo xidhiidh hore ama in la bixiyo macluumaadka suuqgaynta ee ku saabsan xayaysiinta, adeegyada cusub, ama isbadalada muhiimka ah ee websaytka. Denver Preschool Program waxa uu macluumaadkan la wadaagi karaa cida gacansaarka ganacsiga uu la leeyahay wixii ujeedo gaar ah ee xayaysiiska ama adeega la bixiyo.
Miyaa “Cookies” loo isticmaalaa websaytka?
“Cookies” waxaa weeye qaybo yaryar oo macluumaadka ah oo lagu shubo haadh dhirayfka (hard drive) kombiyuutarka qofka websaytka soo booqanaya. Waxa aanu isticmaali karnaa cookies si aanu kuu siino adeeg dhaama. Cookies waxaa weeye qaybo macluumaad ah oo Websaytku u gudbinayo haadh dhirayfka kumbiyuutarkaaga si uu u kaydiyo. Cookies waxa ay ka dhigaan Websaytka mid waxtarkiisu kasii badan yahay iyaga oo kaydinaya macluumaadka websaytka gaarka ah aad uga baahan tahay. Isticmaalka Cookies ee shaqooyinka caadiga ah, iyo Websaytyo waawayn oo badan waxay isticmaalaan iyada si ay waxyaabo waxtar leh u siiyaan macaamiishooda. Cookies sidooda iyo macluumaadka lagu isticmaalaa ma aqoonsadaan macluumaadka shakhsi ahaaneed, in kasta oo ay aqoonsadaan kombuyuutarka isticmaalaha. Daaqadaha badanaa waxaa loo sameeyay inay qaataan cookies. Hadii aad doonayso, waxa aad ku dhigan kartaa in daaqadaadu ayna ogolaan cookies. Laakiin, waxaa dhici karta in aanad si buuxda ugu faa’idaysan waxtarka websaytka Denver Preschool Program hadii aad sidaa samayso.
Sidee macluumaadka sheegaya haybta shakhsiga loo ilaaliyaa?
Denver Preschool Program waxa uu isticmaalaa qaababka iyo farsamooyinka shaqada ee sida firewalls-ka, in lala socdo jabsashada, iyo baasweedhada si loo ilaaliyo macluumaadka elektorooniga ah ee shakhsi ahaaneed. Qaabab badan oo amaan la taaban karo ah sida in la xidho aalada iyo 24 saacadood oo lala socdo meesha ayaa la samaynayaa. Ugu danbayntii, waxaa PII geli kara tiro yar oo shaqaale ah oo sida loogu baahdo ah.
Linkiyada websaytyada kale
Websaytka Denver Preschool Program waxaa dhici karta inay ku jiraan linkiyo websaytyo kale oo internetka ah. Denver Preschool Program ma xakameeyo oo mana amaano websaytyo kale oo kamana masuul aha macluumaadka ay websaytyadaasi la soo gelinayo. Siyaasaddan kuma jirto siyaasadaha sirta iyo nidaamyada uruurinta macluumaadka aan ahayn websaytyada Denver Preschool Program.
Sida aad u joojinayso iswaydaarsiga macluumaadka
Iyada oo laga duulayo macluumaadka dadka soo booqanayaa bixiyeen, Denver Preschool Program waxa uu u diri karaa iimeel qofka isticmaalaya macluumaadkaas ku salaysan. Macluumaad kasta oo la diro waxaa la socdo qaab fudud oo loo joojin karo macluumaad dambe ah in aan qofka loosoo dirin.